Posts

Showing posts from June, 2024

Howl-galkii Rajo-dhiska Amniga iyo Nabad-gelyada Magaalada Xarardheere oo Mira-dhalay

Image
Magaalada Xarardheere waxay 500 oo KM fogaan ahaan u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxeyna kaalimaha hore kaga jirtaa magaalooyinka caanka ku ah xadaaradda oo ay ku noolyihiin bulsho ilbax ah, xaafadaha ay magaaladu ka kooban tahay waxaa ugu waa wayn sida sooyaalkeeda ku qoran xaafadda Howlwadaag iyo Wadajir. Xarardheere waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waa wayn goabalka Galmudug, ka dib magaalada Hobyo. Bulshada deggan magaalada qaddiimiga ah ee Xarardheere waxay u badan yihiin dad ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool, beeraha iyo kalluumeysiga.  Xarardheere waa degmo dhacda deexda gobolka Mudug, waxay xigta dhanka xeebta iyo dhinaca qorrax ka soo bax bari ee gobolka Mudug. Waa degmo barwaaqaysan kana heli kartid waxyaabaha ay naftu jamato, waxaana u sii dheer in ay tahay degmo dalxiiseed qaboow, xagga nulosha waxay ka mid tahay degmooyinka maanta ugu qaalisan marka ay noqoto dhinaca nolosha degmooyinka Soomaaliya, maaddaama ay xeeb dhacdo, dhul bannaan...

Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka:

Image
Qormadan waxay isugu jirtaa, Ku baaqid wax ka qabasho iyo Dib-u-eegis ku saabsan Xaaladda Deegaanka iyo Cimilada ee Soomaaliya. _______________________________________ Fahamka Deegaanka: Deegaanku waxa uu ka kooban yahay waxyaabo dabiici ah ee aynu ku nool nahay ama nagu hareeraysan, oo ay ka mid yihiin; hawada aan neefsaneyno, biyaha aan cabno, ciidda aan ku nool nahay [ku dul-noolnahay], iyo noolaha innaga inala-nool. Waa nidaam isku dhafan oo isku tiirsan oo taageera nolosha dhulka. Nasiib darro, ficiladeenna waxay carqaladeeyeen dheelitirnaanta deegaanka, iyagoo keenay dhibaatooyin culus oo deegaanka ah; sida isbeddelka cimilada, xaalufinta dhirta, iyo luminta noocyada kala duwan ee dabiiciga ah. Maalinta deegaanka adduunka [World Environment Day], waxaa tahay in aan is xasuusinno mas’uuliyadda naga saaran ilaalinta iyo soo celinta deegaankeena si aan  mustaqbal fiican ugu diyaarinno ubadkeenna.. Ololaha Soomaaliya Cagaaran: (The Green Somalia Campaign) Bishii Oktoobar 2022, Ma...