Shan Sano, Balse La Moodo 10 Sano Oo Shaqa Ah
Shalay oo Sabti ahayd (13-8-2022) waxaan aniga iyo howl wadeenada Wasaaradda Qorshyenta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya aan kawada qeyb galnay, xafladda uu xilka ku wareejinaayay wasiirkeenii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Amb Jamal Maxamed Xasan. Waxaan rabaa dhoor shay oo mudadii aan wasaaradda joogay wasiirkuna uu xafiiska joogay oo aan ku xasuusto inaan idin-la wadaago.
Qofwalbaa daah kama
saarna Wasaarada Qorsheynta Qaranka inay kamid tahay wasaaradaha lafdhabarta u
ah, horey usocodka iyo dhismaha dowladnimo ee dalkeenna. Wasaaraddda Qorsheynta
oo baahi badan u qabtay inay markale cagaheeda ku istaagto si ay tiir ugu
noqoto dowldanimada curdunka ah ee mardhow lasoo uskamay, 5-tii bishii afaraad
sanaddii 2017 waxaa xilka WQQ la wareegay, Wasiir Jamal Maxamed Xasan. Amb Jamal
waxaa uu xiligaas Wasaaradda kala wareegay Wasiir Cabdiraxman Caynte oo isagana
muddadii wasaaradda uu joogay waxbadan oo lataaban karo ku kordhiyay. Waana
taqaanayo, dowladnimadu waa qori isku dhib, qofna meel buu geeyaa, qof kalaa
maeshii kasii wadaa.
Wasiir Jamal waxa uu
kusoo aaday Dowlada Soomaaliya oo markii ugu horeysay isku diyaarinaysay fulinta
iyo hirgalinta, Qorshaha Hormarinta Qaranka 8aad oo uu diyaariyay Wasiirkii ka
horeeyay, Cabdiraxman Caynte, waxayna ahayd markii ugu horeysay oo ay dowladda
Soomaaliya sameeyso QHQ 8aad, burburkii ka dib. Wasiir Jamal oo kaa shanaaya
howl-wadeenada wasaaradda ayaa ku guuleystay inuu fuliyo qorshahaas oo marka la’eego
inta aan anigu shaqsiyan ka warqabo uu ahaa qorshe aad u balaaran, balse Wasiir
Jamal waxaa uu u dhabar adeegay, inuu fulo qorshahaas.
Wasiir Jamal xiligii uu
wasaaradda imanayay waxaa dalka markaas uu ku jiray xaalad adag oo abaar ah oo
dalka oo dhan saameyn lixaad leh ku yeeshay, waxa uuna durba la-falgalay diyaarinta
Warbixinada abaaraha la-xiriira ee xiligaas taagnaa ee dalka ka jiray oo qiimeyn
lagu sameeyay, saaameynta ama xajmiga ay geeysteen qorshahaas oo loo yaqaanay, DINA.
Sidoo kale wuxuu amb. Jamal uu ku guuleystay Qorshaha dib u kabashada Abaaraha ee
RRF oo Mashriicda xiligaas jiray ay ka dhalatay.
Waxyaabaha kale ee aan ka
xusi karo muddadii uu Wasiir Jamal uu Wasaaradda Qorsheynta Qaranka uu joogay,
waxaa kaloo kamid ahaa; wuxuu wasiirku ku daddaalay oo uu waqti badan ku
bixiyay in Hay’adaha kaalmeeya Dowladda Soomaaliya inay ka howlgalaan Gudaha
Somaaliya, halkanna ay xafiisyadooda ka furtaan kana sooguuran halkii marka
hore saldhiga u ahayd ee Kenya iyo dalal kale oo dariska ah, taas oo fursad u
ahayd dalka marka laga-eego dhaqaale ahaan, sidoo kalena ay Shaqo abuur ay u
noqotay dhallinyaro badan.
Markale Waiir Jamal wuxuu
u tafaxeetay, diyaarinta Qorshaha Hormarinta Qaranka 9aad, balse markan waa ay
ka duwaneyd oo laga soo bilaabbo degmo ilaa tuulo ayaa laga talagiliyay QHQ-9aad,
kaas oo dadka laga tala giliyay ay gaarayaan ku dhawaaad kun 1,000 qofood oo
meela kala duwan kala joogay. Sababta sidaas loo sameeyay ayaa ahayd in uu
qorshuhu ku cadaa baahiyaha dalka, qeyb walbaa oo kamid ah.
Wasiir Jamal waxa uu
sidoo kale shaqooyinkii waa weynaa ee qofkastaa oo Soomaaliyeed uu og yahay oo
lagu xasuusan donnaa, Hirgalinta Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo ah hay’add
madaxbanaan taas oo uu dalka iyo Wasaaradubba baahi badan u qabay. Yaanan ka
tagin oo ilaabin sidoo kale, Dhismaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo laf-dhabar u
ah Horumarka dalkeenna ayuu hirgiliyay amb. Jamal. Wasiir Jamal Maxamed Xasan ma
umaleenaayo in aan qormo kusoo koobi kara shaqooyinkii dalkan uu u qabtay
mudadii uu wasiirka ahaa, hadana intii aan isleeyahay qalinkaagu wuu qaban
karaa oo najaxay waxaa kamid ahaa; Wasiirku intuu wasaaradda joogay wuxuu
daadajiyay dhammaan Mashaariicda wasaaradda soo gala oo uu gaarsiyay tuulo ilaa
heer Degmo taas oo ahayd mid xor ah oo ka madax-banaan, wax is-daba marin iyo
musuq-maasuq.
Ugu danbeyn haddii aad ii
ogolaataan waxaan rabaa inaan kusoo xiro, howlihii baaxadda lahaa oo in ka
badan shan-sao oo uu wasiir ahaa, Amb. Jamal wuxuu dhisay, Dhismaha cusub ee Wasaaradda
Qorsheynta kaas oo muddo ay socotay dhismeheeda, waxaana xariga ka jaray Madaxa
Sare xiligaas xukunka joogay. Shansano iyo billooyin oo ay dowladdii hore
jirtay, iskuna badeleen ama xafiiska yimaadeen labo Ra’iisul Wasaare, Wasiir
Jamal labad Xukuumadood waa uu kasoo muuqday. Mudane Jamaal Maxamed Xasan waa
wasiirkii ugu waqtiga dheeraa burburkii ka dib ee wasaaradda soo mara.
Shaqsiyan, maxaan ka
bartay Cabdirashiid ahaan Wasiir Jamal muddadii aan Wasaaradda joogay?
Amb. Jamal wuxuu ii ahaa walal
iyo Saaxiib, ma aqaan marka labadaas la-isku daro wax ka weyn ee aan dhihi
karo, hadana waa shaqsi dowladanimada laf dhabar u ahaa-una ahaan doonno. Waa
midkamid ah dadka aadka loo jecel yahay hoggaamintiisa, af-gaaban oo og, waxa
uu qabanaayo, waxkastaana ay kala weyn yihiin, hormarka Dalkan. Casharadii aan
ka bartay waxaa fiicnaan lahayd maalin kale inaan qalin u qaato, sababtoo ah
intaas laguma koobi karo. Waxaana u rajeynayaa Amb Jamal, mustaqbal ifaaya oo
guul-leh, waxaana rajeynayaa in aqoontiisa dowladnimo, kartidiisa,
hoggaamintiisa intaba meela kale loogu faa’iideysto.
Ugu danbeyn Wasaaradda
Qorsheynta waxaa loo magacaabay oo aan shalay goob-joog ka ahaa markii xilka lagu
wareejinaayay oo aan wasaaradda kusoo dhaweynay, Xildhibaan, Mudane Maxamuud
Beene-beene oo aan asna ka filayo halkii uu Wasiirkii hore soo gaarsiyay uu
halkaas kasii wadi doonno.
Mahadcelin
ballaaran shaqaalaha iyo madaxa kale Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.
Abdirashid
Nur
Comments
Post a Comment